XASAASI: Messi Oo La Xaqiijiyay In Uu Doonayo Ku Laabashada Barcelona.
Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa shaaca ka qaaday in Lionel Messi uu doonayo inuu ku laabto kooxda, iyadoo xiddiga reer Argentina uu qarka u saaran yahay inuu ka tago Paris Saint-Germain.
Messi ayaa si cagajiid ah uga tagay Barcelona laba sano ka hor sabab la xidhiidha xaalad dhaqaale xumo waxana uu ku biiray kooxda PSG.
- Advertisement -
Xiddiga 35 jirka ah ayaa qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah waxana uu ku jiraa bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda Caasimada.
Messi ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa ku laabashada kooxda Barcelona iyada oo sidoo kale kooxo kale doonayaan saxiixa xiddiga.
Madaxweynaha Barcelona Laporta ayaa haatan xaqiijiyay in uu wadahadal ‘aad u wanaagsan’ la yeeshay Messi isaga oo doonaya in uu dib ugu soo celiyo ‘gurigiisa’ xagaaga.
“Waan la hadlay Messi,” Laporta ayaa yidhi.
“Aad ayuu u fiican ayaan u wadahadalnay, waxa aan wada leenahay xidhiidh fiican, Messi waxa uu doonayaa Barcelona, waxa uu dareemayaa in ay tahay Gurigiisa”.
Related