Khabiirkii Arsenal U Keenay Cesc Fabregas, Iskuna Dayey Inuu

Khabiirkii Arsenal u keeni jiray ciyaartoyda da’da yar ee Francis Cagigao oo bishii September ka tegay Gunners kaddib muddo 24 sannadood ah oo uu joogay ayaa sheegay in Thomas Partey oo ka mid ahaa ciyaartoydii uu iyaga oo yaryar soo helay uu Arsenal ka caawin doono inay horyaalka si dhab ah ugu tartanto.Francis Cagigao ayay ishiisu qabatay Thomas Pargey lix sannadood ka hor isaga oo waqtigaas ku sugnaa kooxda ALmeria oo amaah kaga qaadatay Atletico Madrid, waxaanu ku fikiray sidii uu ula saxeexan lahaa ee uu u geyn lahaa…

“Waxaan Ahay Ciyaartoy Dheereeya Oo Jecel Inuu Kubadda Hayo,

Saxeexa cusub ee Manchester United ee Facundo Pellistri ayaa markii uu soo gaadhay xarunta tababarka Carrington, waxa uu sharraxaad ka bixiyey naftiisa iyo qaab ciyaareedkiisa.Laacibkan 18 jirka ah ayay Manchester United £10 milyan oo Gini kagala soo wareegtay kooxda reer Uruguay ee Penarol, waxaana uu tababarkii ugu horreeyey la qaatay ciyaartoyda waaweyn ee Red Devils.Facundo Pellistri oo qolinka ku duugay heshiis shan sannadood ah oo uu Manchester United u saxeexay ayaa waxa kale oo qandaraaskiisa ku jira sannad kale oo…

Barcelona Oo Si Degdeg Ah U Hirgelinaysa Mushahar Dhimis 30%

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa wada-hadallo degdeg ah la bilowday ciyaartoydeeda iyo dhamaan shaqaalaheeda, kuwaas oo ay ku samaynayso mushahar dhimis boqolkiiba 30 ah oo ay iskaga fudaydinayso culaysyada dhaqaale ee haysta.Sida ay ku warrantay warbaahinta Cadena Ser, Barcelona ayaa wada-hadal la yeelanaysa ciyaartoyda kooxda koowaad iyo shaqaalaha caadiga ahba todobaadyada soo socda, waxaanay ka doonaysaa inay heshiis rasmi ah oo mushahar dhimis ah isla gaadhaan inta ka horreysa November 5 oo ah waqtiga kama dambaysta…

Kooxdee Soo Saartay Ciyaartoydii Ugu Wanaagsanaa Ee Ingiriis

Kulanka Merseyside derby ee Everton iyo Liverpool oo Sabtida dhacaya ayaa si weyn loo sugayaa, waxaana halgan adag uu dhex mari doonaa kooxda haysa hoggaanka horyaalka Premier League ee uu sida wanaagsan Carlo Ancelotti iyo Liverpool oo u dagaallamaysa sidii ay u difaacan lahayd horyaalka ay xili ciyaareedkii hore ku guuleysatay.Sannado badan oo ay Liverpool gacan sarraysay kaddib, Everton ayaa dib usoo laba-kaclaysay, waxaanay awood u leedahay inay dabka ku shiddo loollankii magaalaysnaa ee dagaalkuna ku ladhnaa ee ay…

Muxuu Reece James Ka Yidhi Casaankii La Siiyey Markii Ay

Difaaca xulka qaranka England ee  Reece James ayaa kaadh cas loo taagay markii ay dhamaatay ciyaartii xalay waddankiisa guul-darradu kasoo gaadhay ee ay Denmark kaga adkaatay goolka rikoodhaha ah ee uu dhaliyey Christian Eriksen.England oo qaybtii hore kaadh cas lagaga saaray Harry Maguire oo laba qalad oo xunxun sameeyey ayaa waxay inta badan ciyaarta ku dheelaysay 10 ciyaartay, laakiin markii garoonka laga sii baxayay ayay noqdeen 9 laacib iyadoo casaan labaad uu bixiyey garsooraha kulanka.Reece James oo cadhaysan ayaa…

Mbappe Iyo Griezmann Oo Wacdaro Ku dhigay Croatia, Portugal Oo Aan

Xulka qaranka France ayaa guul 2-1 ah oo ay aad ugu rafaadeen ka gaadhay Croatia oo ay ku wada jiraan  LEAGUE A GROUP 3 ee tartanka UEFA Nations League. Gool qurux badan oo uu dhaliyey Antoine Griezmann ayaa Faransiiska u furay ciyaarta, waxaana ka daba yimid Nikola Vlasic oo kubbad uu soo naqshadeeyey Luka Modric ciyaarta kaga dhigay barbarro 1-1 ah ka hor intii aanu Kylian Mbappe weerar rogaal celis ah oo uu farsamadiisa lahaa Paul Pogba aanu guusha ugu hoggaamin xulka qarankiisa. Faransiiska ayaa yeeshay 10 dhibcood…

Denmark Oo Garoonka Wembley Ku Dhex Garaacday England, Harry

Xulka qaranka England ayaa kaalinta saddexaad ee League A Group B u degay kaddib markii ay guul-darro 1-0 ah kala kulmeen Denmark oo ugu timid garoonka Wembley.Laacibka Inter Milan khadka dhexe uga ciyaara ee Christian Eriksen ayaa rikoodhe guusha ugu dhiibay waddankiisa Denmark, kaddib qalad uu sameeyey Walker iyo goolhaye Picford oo isfaham waa dhexdooda ka dhashay.Kulankan oo qaybtii hore casaan lagaga saaray Harry Maguire oo laba qalad oo fool xumo ahaa oo mid waliba iskii ugu qalmayay casaan sameeyey ayaa kala…

Steven Gerrard Oo Daboolka Ka Qaaday Xiddig Uu Diiday In La

Halyeygii Liverpool ee Steven Gerrard ayaa daboolka ka qaaday laacib uu si weyn u doonayay tababarihii hore ee Reds ee Rafa Benitez inuu lasoo saxeexdo oo uu keeno Anfield sannadkii 2008 si uu u beddelo Xabi Alonso oo uga wareegay Real Madrid.Rafa Benitez oo Liverpool tababare u ahaa intii u dhaxaysay 2004 illaa 2010 una qaaday hal Champions League oo uu sannadkii 2005 ku garaacay AC Milan iyo mar kale oo finalka ay yimaaddeen oo laga qaaday, ayaa waxa waqtigiisa lagu tiriyaa inuu ahaa mid guuleed.Waqtigii uu tababaraha reer…

Waa Kuwan 20ka Xiddig Ee Da’doodu Ka Hoosayso 20 Jirka Ee

Kylian Mbappe, Erling Haaland, Jadon Sancho, Vinicius Junior, Joao Felix iyo kuwo kale ayaa ah xiddigaha la filayo in sannadaha soo socda iska dhaxlaan, kuna tartamaan abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or iyo midda FIFA ee The Best intaba, waxaana muddada ay iyagu hirdamayaan kasoo daba baxaya kuwo kale oo da’yar ah oo ay haddaba muuqato in ay la heer yihiin.Dhamaan ciyaaryahannadani waxay dhasheen qarnigan 21aad ee kasoo bilaabmay 2000, waxaanay yihiin xiddigo saansaantoodu tahay mid sarraysa oo wax badan ay…

Bruno Fernandes Iyo Xiddigaha Waaweyn Ee Manchester United

Bruno Fernandes ayaa ka mid noqday tiro ciyaartoyda waaweyn ee Manchester United ah oo lumiyey kalsoonida ay ku qabteen tababare Ole Gunnar Solskjaer, sida ay sheegayaan warar hoose oo laga helayo kooxdaas.Fernandes oo bishii January ay Manchester United kasoo iibsatay Sporting Lisbon ayaa waxa uu saamayn weyn ku yeeshay kooxda, isaga oo qaybtii dambe ee xili ciyaareedkii hore isbeddel ciyaareed iyo saadaashii aan markii hore fiicnayn ee naadigaba sare usoo qaaday, taas oo ku dhamaysatay kaalinta saddexaad oo ay ka sare…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More