Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo Baarlamaanka u gudbisay Xisaab xirka maaliyadeed ee 2022

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Oo Baarlamaanka U Gudbisay Xisaab Xirka Maaliyadeed Ee 2022

Isniin, Agoosto, 28, 2023 (AX) – Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa maanta u gudbisay Golaha Shacabka Xisaab -xirka miisaaniyad sanadeedkii 2022.Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda, Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku wareejiyay Xisaab-xirka Miisaaniyad sanadeedkii 2022-ka oo soo maray dhammaan hab-raacyadii sharciga ahaa.

Hanti-Dhowrka guud ee Dowladda, ayaa baaris maaliyadeed ku sameeyay xisaab-xirkaan oo la soo saaray bishii Abriil, 2023, waxaana natiijada baaritaanka lala wadaagay Baarlamaanka.

- Advertisement -

Wasaaradda maaliyadda ayaa sheegtay inay sii wadi doonto xoojinta nidaamyada isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta maamulka Guud ee maaliyadda iyo dowlad wanaagga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept