WARBIXIN: Mbappe, Gerrard, Neymar & 8 Xiddig Oo Iska Diiday Ku Biirista Real Madrid.

Warbixin: Mbappe, Gerrard, Neymar & 8 Xiddig Oo Iska Diiday Ku Biirista Real Madrid.
1

Xagaagii la soo dhaafay xiddiga Kylian Mbappe ayaa si lama filaan ah heshiis cusub u saxiixay si uu u sii joogo kooxda PSG inkasta oo ay wax walba muujinayeen in uu ku biiri doono Real Madrid xagaaii la soo dhaafay.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 8 xiddig oo si lama filaan ah isaga diiday ku biirista Real Madrid sababo la yaab leh dartood.

Waa in aan qirano, marka ay Real Madrid u yeedho xiddigaha mar walba waxa jirta in uu xiddigu wax walba u sameeyo sidii uu ugu biiri lahaa.

Laakiin waxa jira dhawr xiddig oo aan ku biirin liiska xiddigaha u waashay Real Madrid waxana aan halkan ku soo bandhigi doonaa 8 xiddig ee iska diiday Real Madrid.

Kylian Mbappe:

Arinta la yaabka leh ayaa ah in ayna xagaagii hore ahayn markii ugu horaysay ee uu Mbappe iska diiday kooxda Real Madrid.

Sanadkii 2017 ayuu Mbappe iska diiday Real Madrid markii uu wacdaraha ka dhigayay kooxda Monaco,

Real Madrid ayaa doonaysay in ay hesho xiddiga ka hor intii uuna ku biirin PSG waxana ay xitaa u soo bandhigtay fursad uu ku buuxin karo booska Cristiano Ronaldo oo markaas joogay kooxda.

Laakiin Mbappe ayaa iska diiday cadaadiska uga iman kara buuxinta kabaha Ronaldo waxana uu go’aansaday in uu sii joogo horyaalka Ligue 1 oo uu kaga biiray PSG.

Real Madrid ayaa xagaagii iska diiday ku biirista Real Madrid inkasta oo si weyn loo filayay in uu ku biiro kooxda Caasimada Spain waxana uu go’aansaday in uu heshiis cusub u saxiixo PSG.

2.Ivan Rakitic:

Rakitic waa ciyaaryahan kale oo labo jeer diiday Real Madrid.

Intii uu joogay kooxda Sevilla waxa uu Muujiyay in uu yahay xiddig khadka dhexe ku fiican, waxana uu bartilmaameed ugu noqday kooxo badan oo reer yurub ah.

Real Madrid ayaa doonaysay saxiixa xiddiga laakiin Rakitic ayaa iska diiday in uu ku biiro Real waxana uu ka doortay kooxda Barceloan oo uu kula guulaystay champions league.

Kadib Real ayaa isku dayday in ay samayso wixii ay ku samaysay Barcelona markii ay kala wareegtay Luis Figo, waxana ay la xidhiidheen wakiilka xiddiga Rakitic si ay u helaan saxiixiisa.

Xitaa Real ayaa u adeegsatay xiddiga Modric si ay ugu qanciyaan in uu ka tago Barcelona kuna biiro Real Laakiin Rakitic ayaa iska diiday Real Madrid waxana uu sii joogay Barcelona.

Roy Keane:

Keane ayaa xirfad cajiib ah ku soo qaatay Manchester United, isagoo kula guuleystay dhowr koob oo ay ku jiraan Saddexleydii 1999kii.

Laakiin xirfadiisii cajiib ahayd ayaa soo dhamaatay kadib markii ay isku dheceen tababaraha kooxda Sir Alex Ferguson uu ku qasbay inuu kooxda ka tago.

Keane ayaa noqday xiddig xor ah bishii November 2005 waxana la xidhiidhay kooxda Real Madrid “Sida uu sheegay, waa la soo wacay markii uu ku fadhiyey kursiga musqusha”.

“Real Madrid waxa ay doonaysay saxiixaysa runtii”ayuu yidhi, laakiin Keane ayaa iska diiday Madrid waxana uu ka doortay kooxda Celtic.

Paul Pogba:

Pogba ayaa ka tagay Manchester United 2012, Kadib 4 sano kadib waxa uu isku muujiyay kooxda Juventus waxana uu ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican khadka dhexe.

Man United ayaa doonaysay in ay dib u soo ceshato xiddiga iyaga oo waliba diyaar u ahaa in ay u jabiyaan baanka.

Real Madrid oo uu tababare u ahaa Zinedine Zidane ayaa doonaysay saxiixa xiddig waxana ay xitaa u adeegsadeen Zidane si ay u helaan saxiixiisa uguna xoojiyaan khadka dhexe.

Laakiin Man United ayaa ku guulaystay saxiixa xiddiga kadib markii uu Paul Pogba iska diiday saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Marco Verratti:

Waa xiddig kale oo PSG u ciyaara kaas oo iska diiday kooxda Real Madrid.

Xiddiga Verratti ayaa iska diiday ku birista Real Madrid waxana uu go’aansaday in uu sii joogo kooxda ka dhisan caasimada France.

“Marka aan ku faraxsanahay koox, xitaa ma doonayo inaan wadahadalo la bilaabo koox kale”ayuu Verrati yidhi markii wax laga waydiiyay xiisaha Real.

Steven Gerrard:

Halyeeyga Liverpool ayaa ka mid ah xiddigaha magac leh ee iska diiday ku biirista Real Madrid,

Markii uu jiray 26 sano waxa uu ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican adduunka khadka dhexe waxana doonayay saxiixiisa kooxo badan oo qaarada yurub ah.

Real isku dayday in ay la saxiixdaan xiddiga laakiin waxa uu go’aansaday in uu sii joogo kooxda Liverpool oo uu Halyeey ka yahay.

Francesco Totti:

Halyeeyga Roma ayaa ka mid ah xiddigaha taariikhda kubada cagta koox kaliya ku dhamaystay xirfadiisa ciyaareed.

Laakiin Real Madrid ayaa isku dayday in ay ka kacayso Roma waxana ay wax walba u samaysay sidii ay u heli lahayd saxiixiisa.

Si kasta ha ahaatee Francesco Totti ayaa iska diiday lacagta Real Madrid waxana uu xirfadiisa ciyaareed ku dhamaystay kooxda Roma.

Neymar Jr:

Waxa aan u dambaysiinay xiddiga ugu fiican Liiskan waxana uu Neymar iska diiday 3 jeer ilaa haatan xirfadiisa ciyaareed.

Neymar ayaa ka mid ahaa xiddigaha ay Real aadka ugu waalanaysay waxana ay 3 jeer isku dayday in ay la soo saxiixato xiddiga.

Markii ugu horaysay Neymar oo jooga Brazil ayay Real Madrid isku dayday saxiixiisa laakiin waxa uu ka doortay Barcelona.

Kadib markii uu ka tagay Barcelona kuna biiray kooxda PSG, Real Madrid ayaa laba jeer isku dayday in ay la soo saxiixato xiddiga laakiin Neymar ayaan ku biirin Los Blancos.