WARBIXIN: Kooxaha Premier League Oo Lacagta Ugu Badan Suuqa Galiyay Iyada Oo Aan Xitaa Lagu Darin Heshiiskii Rikoodhka Ahaa Ee Caicedo.

Warbixin: Kooxaha Premier League Oo Lacagta Ugu Badan Suuqa Galiyay Iyada Oo Aan Xitaa Lagu Darin Heshiiskii Rikoodhka Ahaa Ee Caicedo.
3

Kooxaha Premier League ayaa mas’uul ka ahaa in ka badan rubuc ka mid ah rikoorka suuqa kala iibsiga xagaaga ee caalamiga ah.

Taasina waxay ahayd KA hor inta aan la tixgalinin heshiisyada waaweyn ee u dhexeeya kooxaha heerka koowaad.

Kooxaha Ingariiska ayaa ku qarash gareeyay £1.6BILLION si ay ula soo saxiixdaan ciyaartoy ka socda kooxaha dibadda, sida lagu sheegay tirooyinka rasmiga ah ee Fifa.

Heshiisyada ugu waaweyn ayaa ahaa 77 milyan oo uu Man City ugu soo biiray xiddiga daafaca ka ciyaara ee Josko Gvardiol, xiddiga Rasmus Hojlund oo 64 milyan ugu soo biiray Man United ito 60 milyan oo ay liverpool kula soo saxiixatay xiddiga Dominik Szoboszlai.

Waxa ay la macno tahay in kooxaha Prem ay 26% ka yihiin 5.9 bilyan oo Euro oo ay lacagaha ay xiddigaha dibada uga soo iibsatay taas oo ay ku jiraan xiddigaha reer England ee Jude Bellingham oo Real Madrid ugu biiray 113 milyan iyo Harry Kane oo 100 milyan ugu biiray Bayern.

Laakiin tirokoobyada kuma jiraan seddex ka mid ah heshiisyadii xagaaga ee ugu weynaa oo gebi ahaanba u dhaxeeyay kooxaha Prem, iyadoo Chelsea ay Moises Caicedo kaga soo iibsatay Brighton 115 milyan halka uu Declan Rice 105 milyn ugu biiray Gunners halka ay Havertz 65 milyan ugu biiray Gunners.

Fifa waxa ay diwaan galisay in ka badan 10,000 oo heshiisyo caalami ah suuqii xagaaga iyada oo wakiilada la siiyay 558 milyan oo euro.

Related