Wakhtiga La Shaacinayo Xiddigaha U Tartamaya Abaalmarinta Ballon d’Or Sanadka 2023 Oo La Shaaciyay.
Majaladda caanka ah ee “France Football” ayaa shaacisay taariikhda lagu dhawaaqayo Liiska liiska 30-ka musharax ee u sharaxan abaal marinta Ballon d’Or 2023.
Xiddiga reer France, Karim Benzema, oo hadda u ciyaara kooxda Al Ittihad, ayaa ku guuleystay abaalmarinta kubbadda dahabka ee ugu dambeysay, sanadka 2022.
- Advertisement -
Lionel Messi ayaa sanadkan ah musharaxa ugu cad cad ee u sharaxan abaal marinta kubbada dahabka gaar ahaan ka dib markii uu xulka qaranka Argentina ku hogaamiyay ku guulaysiga koobka aduunka ee Qatar bishii December ee la soo dhaafay.
Messi ayaa ku guulaystay abaal marinta Ballon d’Or ee ugu badan xirfadiisa ciyaareed isaga oo ku guulaystay 7 abaal marinood isaga oo ka horeeya ninka ay xafiiltamaan ee Cristiano Ronaldo kaas oo haysta 5 abaal marinood.
Caawa, majaladda ayaa ku dhawaaqi doonta liiska musharixiinta u sharraxan abaal-marinta kubbadda dahabka ah, ee loo tartamayo laacibka ugu fiican adduunka sannadka 2023, oo ay ku jiraan 30 ciyaartoy.
Related