Wakhtiga La Samayn Doono Isku Aadka Koobka Africa 2024 Oo La Shaaciyay.
Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) ayaa shaaca ka qaaday taariikhda isku aadka Koobka Qaramada Afrika, oo loo qorsheeyay in uu ka dhoco dalka Ivory Coast bisha January ee soo socota.
Maanta ayaa xiriirka kubadda cagta Afrika ee CAF ayaa shaaca ka qaaday in isku aadka Koobka Qaramada Afrika la qaban doono 12 bisha October ee soo socota.
- Advertisement -
Koobka Qaramada Afrika ayaa loo qorsheeyay in lagu qabto Ivory Coast inta u dhexaysa 13 bisha January ilaa 11 bisha February ee sanadka 2024.
Waxaa xusid mudan in koobka Africa sanadkan ka qayb gali doonaan 24 xul oo ku dagaalami doona in ay noqdaan guulaystayaasha koobka ugu qiimaha badan qaarada Africa.
Xulka qaranka Senegal ayaa koobka difaacan doona kadib markii ay ku guulaysteen koobka sanadkii la soo dhaafay rikoodhayaal-na kaga qaadeen xulka Masar.
Related