Wakhtiga Ay Arsenal Doonayso In Ay Ku Dhawaaqdo Heshiiska Cusub Ee Saka Oo La Ogaaday.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ku rajo weyn tahay inay ku dhawaaqdo heshiiska cusub ee Xiddiga Bukayo Saka dhamadka xilli ciyaareedkan.

21-sano jirkaan qandaraaska uu kula jiro Gunners ayaa ku eg June 2024, waxaana horay loo soo jeediyay in kooxo dhowr ah ay si dhow ula socdaan xaaladiisa.

- Advertisement -

Si kasta ha ahaatee Sakah ayaa lagu soo waramayaa in uu heshiis wakhti fog ah la gaadhay kooxda Mikel Arteta iyada oo xiddigu mushahar ahaan u qaadan doono lacag dhan 300 kun oo Gini todobaadkii 5-ta sano ee soo socota.

Sida laga soo xigtay PA Sport, Arsenal ayaa rajeyneysa inay si rasmi ah ugu dhawaaqdo heshiiska saaka dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo wax walba la dhamaystiray haatan.

Xiddiga reer England ayaa qaab ciyaareed heer sare ah ku qaadanaya Gunners xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 14 gool halka uu caawiyay 11 kale 45 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept