Wafdi uu hoggaaminaayo Hogaamiye Xasan Sheekh Maxamuud oo goordhaw gaaray degmada Aadan Yabaal

Wafdi Uu Hoggaaminaayo Hogaamiye Xasan Sheekh Maxamuud Oo Goordhaw Gaaray Degmada Aadan Yabaal
3

3/26/2023

Today from Axadle:
 

Wararka Maanta- Axad, Mar 26, 2023

Wafdi uu hoggaaminaayo Hogaamiye Xasan Sheekh Maxamuud oo goordhaw gaaray degmada Aadan Yabaal

 Axad, Maarso, 26, 2023 (AX) – Wafdigaan uu hoggaaminaayo madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.Safarka madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay degmada Aadan Yabaal ayaa waxaa qeyb ka ah masuuliyiin ka tirsan dowladda Fedaraalka oo ay ka mid yihiin wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Hogaamiye Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa si weyn waxaa halkaasi ugu soo dhaweeyay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Amaanka guud ee degmada Aadan Yabaal ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana wadooyinka degmadaasi la dhoobay ciidamo aad u farabadan si ay u xaqiijiyaan amaanka degmada inta uu madaxweynaha ku sugan yahay.

Hogaamiye Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in halkaasi kulamo kula qaataan madaxda Hirshabeelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warar hoose oo ay heshay shabakada AX ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu Maanta kaga dhawaaqayo degmada Aadan Yabaal wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

3/26/2023 3:38 AM EST

Axad, Maarso, 26, 2023 (AX) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo vaxaya tira hoobiyeyaal ah oo aroornimadii hore ee saakay ku dhacay xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

3/26/2023 1:52 AM EST

Axad, Maarso, 26, 2023 (AX) – Maxkamadda cijdamada Puntland ayaa xukun dil toogasho ah ku riday 10 nin oo ku eedeysnaa inay katirsan yihiin kooxda Alshabaab.