Vinicius, Benzema, & Rodrygo, Ancelotti Oo Ka Warbixiyay Xaalada Xiddigaha Kooxdiisa Ka Hor Kulanka Getafe
Real Madrid ayaa wajihi doonta Getafe sabtida. Ciyaarta ayaan wax badan ka badali doonin Madrid maadaama ay lumisay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.
Los Blancos Ayaa isha ku hayn doonta kulanka ay la ciyaari doonto Man City Arbacada kulan ka tirsan lugta 2-aad ee Semi-final-ka tartanka champions League.
- Advertisement -
Waxa la filayaa in ay Real Madrid is badal weyn ku samayso shaxdooda isla markaas Ancelotti nasiyo xiddigaha ugu muhiimsan kooxdiisa ka hor kulanka Man City.
“Waxaan dooneynaa inaan badino berri, diiraddayada ma saarayno Man City”ayuu Ancelotti yidhi.
“Ferland Mendy iyo Dani Ceballos waxay ku soo laaban doonaan ciyaarta berri.
“Courtois wuu ciyaari doonaa beri, waxaan shaki ka qabaa Viní Jr. Viní Jr. inuu ciyaari doono barri, ma aqaano inuu ku soo bilowdo laakiin waa hubaal inuu ciyaari doono”.
“Kuma sheegi doono cidda ciyaari doonta berri sababtoo ah ma doonayo inaan faa’iido siiyo Getafe”.
“Benzema, Alaba iyo Rodrygo waxa soo gaadhay dhaawacyo yar waanan eegi doonaa waxa dhaca”ayuu sii raaciyay.
Related