Thomas Tuchel Oo Weerarkii Ugu Horeeyay Ku Qaaday Chelsea, Dalab Rasmi Ah Ayuu Miiska U Saaray & Qofka Uu Ka Doonayay Oo La Ogaaday.

Thomas Tuchel Oo Weerarkii Ugu Horeeyay Ku Qaaday Chelsea, Dalab Rasmi Ah Ayuu Miiska U Saaray & Qofka Uu Ka Doonayay Oo La Ogaaday.
1

Kooxda Premier League ayaa heshay dalabkii ugu horeeyay ee ay Bayern Munich ku dooaysay tababarhaa Blues ee Anthony Barry.

Kooxda reer Germany ayaa ku dhaw in ay chelsea kala wareegto tababaraha da’yarka ah si uu ula shaqeeyo Thomas Tuchel kadib markii loo magacaabay tababaraha kooxda.

Tuchel, oo ku sugnaa Chelsea bilowgii xilli ciyaareedkan, ayaa xilka kala wareegaya Julian Nagelsmann todobaadkan.

Sida laga soo xigtay Evening Standard, Chelsea ayaan ku faraxsanayn dalabka ay Bayern Munich ka gudbisay tababaraha.

Barry, oo ah macalin u dhashay Liverpool, islamarkaana u shaqeeya xulka qaranka Portugal, ayaa aad looga qiimeeyaa kubada cagta.

Tuchel ayaa sidoo kale keenaya caawiyayaashiisa Zolst Low iyo Arno Michels si ay ugala shaqeeyaan Bayern Munich.

Related