Ten Hag Oo Kashifay Sababta Uu Martinez Ku Seegay Kulanka Burnley
Erik ten Hag oo ka hadlayay saddexdii badal ee uu ku sameeyay shaxda Man United ee kulanka Burnley ayaa yidhi: “Licha Martinez waa dhaawac, waa sababta aanu diyaar u ahayn”.
“Hanibal iyo Scott McTominay, waxaan dooneynaa inaan tamar u keeno khadka dhexe, xoogaa awood ah, waxaana u maleyneynaa inaan u baahanahay taas.”
“Isaga [Evans] waxa uu keenayaa isku xidhnaan waana xiddig dagan, Wuu garanayaa shaqada, si sax ah ayuu u garanayaa waxa uu qabanayo, waxa uu soo qaatay ciyaaro ku filan, shaqo fiican ayuu qaban doonaa”.
Erik Ten Hag ayaa go’aansaday in uu Jonny Evans ku badalo Martinez iyada oo Varane wali dhaawac kaga maqan yahay kooxdiisa.
Man United ayaa doonaysa in ay ku soo laabato wadada guulaha kadib markii ay guuldaro la kulantay 3 guuldaro 5-tii kulan ee ay ciyaartay.
Related