Taliyihii qaybta 12aad ee Ciidamada Gobaladda Waqooyi oo Ciidamada SSC Khaatumo gacanta ku dhigeen

Taliyihii Qaybta 12aad Ee Ciidamada Gobaladda Waqooyi Oo Ciidamada Ssc Khaatumo Gacanta Ku Dhigeen
5

Jimco, Agoosto, 25 , 2023 (AX)- Taliyihii Guutada 12aad ee Ciidamada Gobaladda Waqooyi ee aagga Maraagga ee bariga magaalada Laascood, ayaa la rumaysanyahay in uu kamid yahay askar ay saaka ciidamada SSC Khaatumo qabteen.Bootaan ayaa kamid ahaa saraakiisha ugu caansan ee ciidamada Gobaladda Waqooyi ka dhex muuqday tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Laascaanood 8 billood ka hor.

Waa markii kowaad ee jab intaa la`eg loo gaysto ciidamada Gobaladda Waqooyi, iyadoo laga qabsaday 2 saldhig oo muhiima oo kala ah saldhigii Maraagga iyo saldhigii caanka ahaa ee Goojacadde.

Sidookale ciidamada Gobaladda Waqooyi ayaa laga qabsaday baabuur iyo maxaabiis, tani ayaana guul muhiim ah u ah ciidamada SSC Khaatumo oo muddo 8 billood ah dagaal kula jiray ciidamada Gobaladda Waqooyi ee aagga Laascaanood.

Dagaalka maanta ayaa khasaare wayn soo gaadhsiiyay millateriga Gobaladda Waqooyi, ilaa iyo hadana lama oga in ciidamada Gobaladda Waqooyi awoodi doonaan in ay dib u qabsadaan saldhigyada laga qabsaday.

Xukuumada Gobaladda Waqooyi ilaa iyo hada kama hadal dagaalka saaka dhacay, marka laga yimaado xaga SSC Khaatumo oo warsaxaafadeed kasoo baxday lagu sheegay in ciidankoodu ay guul wayn gaadheen.