Taliye Cabdimadoobe oo ku hanjabay in uu qabsan doono duleedka Burco

Taliye Cabdimadoobe Oo Ku Hanjabay In Uu Qabsan Doono Duleedka Burco

Talaado, September, 5, 2023 (AX) – Taliye Cabdirashiid Xuseen Cali Cabdimadoobe oo kamid ah saraakiisha ugu caansan ciidamada SSC Khaatumo ayaa sheegay in xuduuda SSC tahay duleedka Burco isla markaana loo bahanyahay in la gaadho.Taliyaha oo goob munaasibad ah hadal ka jeediyay magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in loo bahanyahay in la qabto magaalooyin ay ku jirto Caynaba.

“Ma aaminsani Guumays in ay tahay xuduudkayaga, xuduuduna dee xuduud dal maahee, waa xuduud beeleed, xuduuda Dhulbahante waa la yaqaanaa, hadii ay tahay Labadagaatama iyo Caynaba, waa duleedka Burco” ayuu yiri Cabdimadoobe.

- Advertisement -

Waxa kale oo uu ciidamadiisa ku dhiirigaliyay in ay weeraraan goobo kamid ah gobolka Sanaag oo uu sheegay in ay Gobaladda Waqooyi ka haysato.

“Gobolka Sanaag qaybta aynu ka dagno ee cidkale ay gacanta ku haysana waan garanaynaa, Jamaahiirta iyo halgamayaasha waxa laga rabaa dhulka inta maqan in ay soo celiyaan, waa in Burco duleedkeeda laysku horfadhiyaa” ayuu yiri Cabdimadoobe.

Colaada ka tagaan gobolka Sool ayaa laga cabsiqaba in ay markale dib u qaraxdo iyadoo Taliyaha Ciidamada Gobaladda Waqooyi Nuux Ismaaciil Taani uu isna dhankiisa ku hanjabay in uu qaadi doono weeraro cusub.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept