Browsing Tag

Axmed

Maxay ka wada hadleen Siciid Deni iyo Axmed Madoobe?

Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa Axadii ku kulmay caasimada Muqdisho iyadoo aan wali wax heshiis ah laga gaarin doorashada dalka ka dhaceysa sanadka 2021. Kulankan oo ka dhici doona gudaha xerada Xalane ayaa waxaa looga hadlayaa xaalada ay hada ku sugan tahay doorashada, gaar ahaan khilaafka ka taagan qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah. Sheekh Shariif Axmed oo ah gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa ka hadlay shirka wuxuuna sheegay in diirada la saaray shirka "Xaqiijinta in la…

Axmed Cali Daahir: Soomaaliya waa dhibbane

Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa BBC u sheegay in maxkamadeynta ay ka bilaabmeyso magaalada Hague ee dalka Holland. Wafdiga Soomaaliya waxaa ka mid ah: R / wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, Garyaqaanka Guud ee hore & wakiillo kala duwan. ka yimid Soomaaliya. Axmed Cali Daahir, Xeer ilaaliyihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya "Waxaan…

Axmed Madoobe iyo Donald Yamamoto oo wada jira

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, iyo Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa ku kulmay xarunta UN-ka ee magaalada Muqdisho. Kulanka Axmed Madoobe iyo Yamamoto ayaa ku soo beegmaya xilli lagu wado in magaalada Muqdisho ay ku kulmaan hogaamiyayaasha dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada si looga wada hadlo khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka. Madaxtooyada Jubaland ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in kulankan diirada lagu saaray xaaladihii ugu…

Maxay ka wada hadleen Axmed Madoobe iyo Danjire Swan?

Magaalada Muqdisho, Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan waxay ku yeesheen kulan dheer oo ay uga wada hadlayeen ka gudubka caqabadihii keenay kala taggii shirkii Dhuusamareeb ee ugu dambeeyay (4). Swan oo safka hore kaga jira isku soo dhaweynta Dowlada Federaalka & Dowlad Goboleedyada waqtigooda sii dhamaanayo ayaa doonaya in shirku uu ka duwanaado shirarkii hore ee lagu kala qeybsanaa ee ugu yaraan lagu saxiixo heshiis ay wada gaareen Gudiga…

Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo

Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shir la filayo in todobaadkan lagu qabto magaalada Muqdisho. Waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo xubno ka tirsan midowga musharixiinta. Wafdiga uu hogaaminayo madaxweynaha Jubbaland waxaa ka sii horeeyay ilaalada madaxweynaha iyagoo ka dagi doona aaga Muqdisho. In kasta oo xerada Xalane saacado ka hor la duqeeyay,…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More