Tababaraha Brentford Oo Chelsea & Man United U Sheegay Halka Waddo Ee Ay Ku Heli Karaan David Raya

Tababaraha Brentford Thomas Frank ayaa uga digay Chelsea, Manchester United iyo Tottenham Hotspur inay u baahan yihiin inay bixiyaan 40 milyan iyo wax ka badan hadii ay doonayaan saxiixa goolhaye David Raya xagaagan.

27 jirka ayaa qaab ciyaareed fiican ku riyaaqay Xilli ciyaareedkan isaga oo 10 kulan shabaqiisa ilaashday waxana uu ciyaaray dhamaan daqiiqad kasta oo premier League ah.

- Advertisement -

Qaab ciyaareedkiisa ayaa soo jiitay kooxaha premier League iyada oo Ay doonayaan kooxaha ugu waaweyn horyaalka premier Legaue.

Laakiin Tababaraha Brentford Frank ayaa sheegay qiimaha ay kooxaha doonaya saxiixiisa u baahanyihiin in ay bixiyaan.

“Shaki kuma jiro in David (Raya) uu yahay xiddig xiiso helaya, hal sano ayaa ka dhiman heshiiskiisa laakiin waan ku faraxsanahay in uu nala joogo”ayuu tababaraha Brentford yidhi.

“Qof walba waa ogyahay inuu yahay Goolhaye 40 milyan u qalma iyo waliba wax ka badan”.

“Cida doonaysa waa in ay diyaar u tahay wax walba sideena”ayuu sii raaciyay.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept