SSC-Khaatumo oo sheegtay in ay soo afjareen joogitaankii Gobaladda Waqooyi ee gobolada SSC
Isniin, Agoosto, 28, 2023 (AX) – Warsaxaafadeed ay soo saareen Maamulka SSC-Khaatumo, ayaa lagu sheegay in la soo afjaray joogitaankii Gobaladda Waqooyi ee gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.Warsaxaafadeedka oo lagula hadlay dowlada Soomaaliya, Beesha Caalamka, iyo umada Soomaaliyeed, ayaa lagu sheegay in SSC-Khaatumo ay difaacday madaxbannaanida Soomaaliya.
“Laascaanood, Agoosto, 28, 2023: Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu u sheegayaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, beesha caalamka iyo umadda Soomaaliyeed in dadka SSC soo gabagabeeyeen duullaankii Gobaladda Waqooyi ee dulmiga ahaa iyaga oo difaacay sharaftooda iyo madax bannaanida Soomaaliya”.
- Advertisement -
Waxa kale oo warsaxaafadeedka lagu sheegay in maxaabiista laga qabtay Gobaladda Waqooyi sifiican oo ku salaysan xeerarka caalamiga ah loola dhaqmi doono, isla markaana maxkamad la horgayn doono qaar ay sheegeen in ay danbiyo dagaal galeen.
Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo faah faahsan: