SSC-Khaatumo oo sheegtay in ay guul ka gaadhay dagaalka maanta Sool ku dhexmaray ciidamada Gobaladda Waqooyi

Talaado, May, 16, 2023 (AX) – Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan Fallaalug oo ah afhayeenka guddida 33-ka SSC ayaa sheegay in xoogaga deegaanku ay guulo ka gaadheen dagaalo maanta dhexmaray ciidamada Gobaladda Waqooyi.

Waxa uu sheegay in Gobaladda Waqooyi ay ciidamo xoogleh gaysay deegaanka Samokaab, isla markaana ciidamo ka tirsan kuwa SSC ay dagaal kula galeen Samokaab iyo Dhabarsaar, kadib markii kuwa Gobaladda Waqooyi soo weerareen.

- Advertisement -

“Dhabarsaar waa laga saaray hada Samakaab ayay marayaan, Laascaanood gudaheeda labada koone ayay kasoo galeen, labadiiba waa la celiyay, meelo ay hore u haysteena waa lagala wareegay” ayuu yiri Fallaalug.

Waxa uu Gobaladda Waqooyi ku eedeeyay in nabad loogu taagwaayay, isla markaana ay hada kadib iska celin doonaan, waxa uu xusay in anay wali hubin khasaaraha dagaalka, lakiin ay hayaan askar dhaawac iyo dhimasho ah oo ciidamada Gobaladda Waqooyi ah.

Waxa uu sheegay in anay jirin wax waan waan nabadeed ah oo colaada lagu joojinayo isaga oo sheegay in Gobaladda Waqooyi albaabada ka xidhatay cidkasta oo doonaysay in ay dhexdhexaadin ka gasho colaada.

Taliyaha Millateriga Gobaladda Waqooyi Nuux Ismaaciil Taani ayaa isna dhankiisa sheegay in ay guul ka gaadheen dagaalka, isla markaana waxa uu sheegay in ciidankiisa lasoo weeraray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept