SSC-Khaatumo oo Gobaladda Waqooyi ku eedeeysay in ay soo weerartay
Khamiis, May, 18, 2023 (AX) – SSC-Khaatumo ayaa ciidamada Gobaladda Waqooyi ku eedeeysay in ay weerar dhowr jiho ah oo gardaro ah kusoo qaadeen.Warsaxafadeed ay SSC soo saartay ayaa lagu sheegay in ciidamada Gobaladda Waqooyi ay soo weerareen fadhiisimada xoogaga deegaanka, isla markaana ay iska difaaceen weerarka.
“Waxaa saaka dhawr jiho oo kala ah galbeedka, bariga iyo aagga Maraaga weerarro gardarro ah kaga soo qaaday magaalada Laascaanood malayshiyada soo duushay ee maamulka Gobaladda Waqooyi, iyadoo ay Xoogagga Difaaca Shacabka SSC-Khaatumo iska difaaceen weerarradaas”.
- Advertisement -
Waxa warsaxaafadeeda lagu sheegay in dagaalku uu socdo isla markaana, ciidamada SSC ay guulo wax ku ool ah ka xaqiiyiyeen furimaha dagaalka, wali Gobaladda Waqooyi wax war ah kama soo saarin dagaalka maanta.
Dagaalka maanta ayaa kusoo beegmay xili guud ahaan Gobaladda Waqooyi looga dabaaldayago xuska 18 May, madaxweynaha Gobaladda Waqooyi ayaana sheegay in dagaalku soconayo ilaa inta xuduudkii gumaystaha ee Gobaladda Waqooyi la gaadhayo.