SSC-Khaatumo oo Gobaladda Waqooyi ku eedeeysay in ay dhibaato dil iyo burburin leh ka gaysatay Laascaanood

Ssc-khaatumo Oo Gobaladda Waqooyi Ku Eedeeysay In Ay Dhibaato Dil Iyo Burburin Leh Ka Gaysatay Laascaanood

Khamiis, Juun, 1, 2023 (AX) – Kulan ay isugu yimaadeen qaar kamid ah isimada SSC ayaa lagu sheegay in Gobaladda Waqooyi ay dishay boqollaal qof, isla markaana ay magaalada Laascaanood burbur ka gaysatay.Afhayeen u hadlay SSC oo warbaahinta u akhriyay warsaxaafadeed kasoo baxday kulanka, ayaa Gobaladda Waqooyi ku eedeeyay in ay Laascaanood ku dishay shacab tiro badan, burburna u gaysatay.

“Gobaladda Waqooyi mudadii ay ku jirtay duulaanka ay kusoo qaaday Laascaanood waxa ay ku dishay 500 oo qof, oo anay u kala eegin mid dagaalamaya, mid waayeela, mid caruura iyo mid si amniya u jooga, waxayna ku dhaawacday dad gaadhaya 3000 oo qof” ayuu yiri afhayeenku.

- Advertisement -

Waxa uu Gobaladda Waqooyi ku eedeeyeen in ay Laascaanood xoog ku haysatay mudadii ay joogtay isla markaana ay dad ku laysay magaalada iyo deegaanada kale ee gobolka Sool, dadkaasi oo ka koobnaa, waxgarad, tijaar iyo siyaasiyiin. Gobaladda Waqooyi dhankeeda waxay sheegtay in dadka ay laayeen kooxo argagixiso ah.

Waxa uu intaa ku daray in kadib markii ay bulshadu ka kacday dilalkii isdaba jooga ahaa ee magaalada ka dhacayay, ay ciidamada Gobaladda Waqooyi laayeen dad mudaharaadayaal ah oo shacab ah, intaa kadibna ay Gobaladda Waqooyi magaalada duqaysay oo ay madaafiic waa wayn la dhacday.

Waxa uu sheegay in dadka magaalada ka qaxay ay dhanyihiin 300,000 oo qof inkasta oo hay’addaha caalamiga ahi ilaa 180,000 ku qiyaaseen dadka qaxay, waxa uu intaa ku daray in ay xidhmeen dhamaan goobihii waxbaraashadu.

Ugu danbayn, beesha caalamla, Qaramada Midoobay iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya ayuu ka codsaday in ay Gobaladda Waqooyi ku qanciyaan in ay ciidankeeda kala baxdo dhulka SSC.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept