Xiddig U Ciyaara Liverpool Oo 30 Maalin La Ganaaxi Karo, Sabab.

Kooxda Liverpool ayay saamayn doontaa dhibaatada kooxda Juventus sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Italy.

Liverpool ayaa amaah ku haysata xiddiga kooxda Juventus ee Arthur Melo kaas oo xagaagii ku soo biiray Reds maalintii ugu dambaysay suuqa.

- Advertisement -

Laakiin Juventus ayaa ku jirta xaalad xasaasi ah iyada oo kooxda laga jaray 15 dhibcood sidoo kale wali baadhitaano lagu wado.

Dhamaan xiddigihii Juventus u ciyaarayay 3 ilaa 4-tii sano ee la soo dhaafay ayaa la filayaa in dusha laga saaro ganaaxyo kala duwan.

Xiddigaha ayaa la sheegayaa in ugu yaraan la ganaaxi doono ugu yaraan 30 maalin sabab la xidhiidha xeerarka ay jabisay kooxda Juventus.

Sidaas darteed Liverpool ayaa waayi karta xiddiga Arthur Melo 30 maalin hadii la ganaaxo xiddigaha kooxda Juventus.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy