XASAASI: Juventus Oo 15 Dhibcood Oo Kale Laga Jari Karo & Ronaldo Oo Sabab U Ah.

Dhibaatada kooxda Juventus ayaa isa sii taraysa iyada oo ay maamulka xidhiidhia Talyaaniga ugu hanjabeen ciqaabo dheeri ah kadib markii ayna bixin lacago ay ku leeyihiin xiddigaha kooxda.

Xeer ilaaliyaha guud ee Talyaaniga ayaa baadhitaan dheeri ah ku bilabaya kooxda Juventus si bathroom ogaado dambiyada kale ee kooxda.

- Advertisement -

Hadii Juventus lagu helo dambi waxa laga jari doonaa 15 dhibcood oo kale kadib markii hore looga jaray 15 dhibcood kadib markii lagu helay dambiyo lacag is dhaafin ah.

Wargeyska Corriere dello Sport ee ka soo baxa dalka Talyaaniga ayaa sheegay in la furay baaritaan cusub oo la xiriira xiddigo ayna kooxdu siin mushahaharadooda intii lagu jiray xanuunkii Korona.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa ugu horeeya xiddigaha ayna kooxda Juventus siin mushaharadii uu kooxda dib uga dhigay intii uu jira xanuunkii Korona.

Juventus ayaa haatan wajahaysa in laga jaro 15 dhibcood oo kale hadii lagu helo in ayna Juventus mushaharka siin xiddigaha kooxda ee dhimay mushaharkooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy