RASMI: Inter Milan Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Matteo Darmian
Kooxda Inter Milan ayaa heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Matteo Darmian kaas oo sii joogi doona kooxda wakhtiga soo socda.
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegay in ay Inter heshiis la gaadhay xiddiga Matteo Darmian si uu qalinka ugu duugo heshiis cusub.
- Advertisement -
Matteo Darmian ayaa qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2024 ah iyo waliba hal sano oo dheeri ah.
Xiddiga Matteo Darmian ayaa Inter ku qaadanaya xilli ciyaareedkii 3-aad kadib markii uu kooxda ku soo biiray sanadkii 2020 kagana yimid kooxda Parma.
Xiddiga 33 jirka ah ayaa kooxda Inter Milan u ciyaaray 14 kulan oo horyaalka Talyaaniga ah xilli ciyaareedkan iyo 4 kulan oo champions League ah waxana uu dhaliyay hal gool.