Pep Guardiola Oo Ka Hadlay Go’aankii Uu Arsenal Uga Iibiyay Xiddigaha Oleksandr Zinchenko & Gabriel Jesus.

Pep Guardiola ayaa difaacay go’aankii uu ku ogolaaday in ay Man City xiddigaha Oleksandr Zinchenko iyo Gabriel Jesus uga iibiso kooxda Arsenal suuqii xagaaga.

Xiddigaha Oleksandr Zinchenko iyo Gabriel Jesus ayaa door weyn ka ciyaray ku guulaysiga Man City ee horyaalka premier League sanadihii ugu dambeeyay.

- Advertisement -

Pep Guardiola ayaa ogolaaday in ay xiddigaha Oleksandr Zinchenko iyo Gabriel Jesus ku biiraan kooxda Arsenal xagaagii isaga oo doonayay in uu xoojiyo kooxdiisa.

Laakiin kadib xilli ciyaareedka cajiibka ah ee ay qaadanayso Arsenal waliba sabab u yihiin xiddigaha Oleksandr Zinchenko iyo Gabriel Jesus ayaa keentay in uu Guardiola wajaho dhaleecayn ku aadan iibinta labada xiddig.

Xiddigaha Oleksandr Zinchenko iyo Gabriel Jesus ayaa Arsenal ka caawiyay in ay hogaamiso horyaalka premier League isla markaas 5 dhibcood ka horayso kooxda Man City ee difaacanaysa horyaalka premier Legaue.

Mar la weydiiyay haddii ay qalad ahayd in uu labada xiddig ka iibiyo kooxda Arsenal Guardiola ayaa yidhi”Waayo?Ma sababta oo ah guulaha Arsenal?

“Waxay noo ahaayeen kuwo cajiib ah, waxaan u haynaa ixtiraam aan la rumaysan karin marka hore dad ahaan iyo ciyaartoy ahaan”.

“Dabcan waxa aan doonaynaa in aan garaacno kulanka jimcaha laakiin guulaha ay gaadheen aad ayaan ugu faraxsanahay, labada kooxood ayaa ka heshiiyay arintuna waa sidaas”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept