Moises Caicedo Oo Heegan Galiyay Chelsea & Arsenal, Tallabo Ka Farxisay Ayuu Qaaday

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brighton Moises Caicedo ayaa xaqiijiyay inuu doonayo inuu ka tago kooxda isagoo warqad furan soo dhigay bartiisa Instagram-ka.

Hadalkaan ayaa imaanaya ka dib markii Brighton ay diiday dalab 60 milyan ah oo ay Arsenal ku doonaysay saxiixiisa xiddiga 21 jirka ah xilli ay chelsea sidoo kale ku fashilantay dalab 55 milyan ah todobaadkii hore.

- Advertisement -

“Waan u mahadcelinayaa Brighton oo i siisay fursad aan ku imaado Premier League, waxaana dareemayaa inaan mar walba sameeyay intii karaankeyga ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Caicedo.

Caicedo ayaa 26 kulan u saftay Premier League, isagoo dhaliyay labo gool, waxaana uu kula jiraa kooxda heshiis dhacaya xagaaga 2025.

“Waxaan mar walba ku ciyaaraa kubbadda dhoola cadeyn iyo qalbi,” ayuu sii raaciyay.

“Waxa aan ku faraxsanahay in aan kooxda u keeno lacag rikoodh ah suuqa si ay Brighton ugu xoojin karto kooxda si ay guulaha u sii wadaan”.

“Waxaan ahay kan ugu yar 10-ka walaalo ah oo ka soo jeeda korriin sabool ah oo ku nool Santa Domingo ee Ecuador, riyadeyda mar walba waa inaan noqdo ciyaaryahankii ugu fiican taariikhda Ecuador”.

“Taageerayaashu waxay i galiyeen qalbigooda, mar walbana qalbigeyga ayay ku jiri doonaan sidaas darteed waxaan rajeynayaa inay fahmi karaan sababta aan u doonayo inaan ka faa’ideysto fursadan cajiibka ah”ayuu sii raaciyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept