Man City Oo Dhulka Ku Jiiday Arsenal Iskana Xaadirisay Wareega 16-ka FA Cup-ka.
Kooxda Man City ayaa iska xaadirisay wareega 16-ka ee FA Cup-ka kadib markii ay garaacday Arsenal kulan ka dhacay Emirates.
Kulanka ayaa ahaa mid isku dheeli tiran dhinac walba iyada oo labada kooxoodba ahaayeen kuwo doonaya guul isla markaas goolkooda difaacanaya.
- Advertisement -
Man City ayaa maamulaysay dhinaca baasaska xilli Arsenal qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonayeen goolal.
Arsenal ayaa ahayd kooxda bilowday fursadaha xilli ay Man City mar walba u jawaabaysay Arsenal fursadaha ay samayso.
Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta iyada oo labada kooxood ku dhibaatoodeen in ay shabaqa soo taabtaan inkasta oo ay fursado fiican sameeyeen.
Qaybtii dambe ayay Man City ahayd kooxda fiican iyaga oo ku bilowday qaab dar-dar leh isla markaas samaynayay fursado halis ah.
Arsenal ayaa dhinaceeda ku bilaabatay daafac qaybta dambe iyaga oo adeegsanayay fursado ay ku samaynayeen fursado rogaal celis ah.
Daqiiqadii 64-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Nathan Ake kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.
Arsenal ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha xilli ay Man City daafac gashay isla markaas ilaashanaysay goolka ay ku hogaaminayso ciyaarta.
Goolhayaha Man City ayaa Arsenal ka badbaadiyay fursado halis ah kuwaas oo ay Arsenal marar badan ugu dhawaatay in ay gool ka dhaliso ciyaarta.
Waxa sidaas ku dhamataay ciyaarta oo ay Man City garaacday Arsenal isla markaas iska xaadirisay wareega xiga ee tartanka FA Cup-ka.