Lyon Oo Fariin Cad U Dirtay Man United & Chelsea, Malo Gusto Ayay Ku Saabsantahay.
Xiddiga Malo Gusto ayaa sii joogi doona Lyon inkasta oo ay xiiseynayaan kooxaha Chelsea iyo Manchester United, sida uu sheegay madaxweynaha Lyon Jean-Michel Aulas.
Labada kooxood ayaa ku dagaalamayay daafaca midig, waxaana ay rajeynayaan inay dhameystiraan heshiiska bishaan.
- Advertisement -
Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiiska shaqsiga ah la gaartay da,yarka laakiin Lyon ayaa diiday in ay miiska wadahadalada la fadhiisato chelsea.
Blues ayaa lagu soo waramayaa inay dalab 18 milyan oo euro ka gudbisay saxiixa xiddiga Gusto kaas oo la soo diiday halka ay haatan diyaarinayso dalab dhan 35 milyan oo euro.
Laakin madaxweynaha Lyon Aulas ayaa ku dhawaaqay in Gusto uusan bixi doonin bishaan.
Wuxuu ku yiri bayaan: “Waxaan xaqiijin karaa in Malo Gusto uu halkaan sii joogi doono ugu yaraan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka.”