Klopp Oo Kashifay Wakhtiga Ay Soo Laaban Doonaan Xiddigaha Van Dijk, Firmino & Jota.
Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in ay xiddigaha Diogo Jota, Virgil van Dijk & Roberto Firmino ay soo laaban doonaan bisha February Kadib dhaawacyadii ay ku maqanaayeen.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id ka hor kulanka wareega afaraad ee FA Cup ay ku booqan doonaan Brighton, Klopp ayaa xaqiijiyay in seddexda ciyaaryahan ay “dhowr usbuuc” ka harsan yihiin inay ku soo laabtaan tababarka buuxa, iyadoo Luis Diaz la filayo inuu garoomada ka maqnaado ilaa March
- Advertisement -
Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Kuwo dhaw, Haa, Laakiin kuwo soo laabtay, Maya, Waxay qaadan doonaan laba toddobaad oo kale, waxaan qabaa, ilaa ay bilaabi karaan tababarka”.
“Luis waqti dheer ayay qaadataa, laakiin Diogo, Bobby iyo Virgil, dhowr toddobaad gudahood ayay soo laaban doonaan kadib aan aragno waxa dhaca”.
Jota ayaan ciyaarin wax kulan ah tan ilaa kulankii ay 1/0 uga badiyeen Man City bishii October halka Firmino uu dhaawac ku maqan yahay tan ilaa bishii December, Van Dijk ayaa sidoo kale bilowgii bishan dhaawacmay”.