Kadib Kulan Lafa Jabis Ah, Real Madrid Oo Garaacday Atletico Madrid Iska Xaadirisay Semi-Final-ka Copa del Rey-ga.

Kadib kulan xiiso waali ah lahaa oo lafaha la iska jabiyay Real madrid ayaa iska xaadirisay Semi-final-ka Copa del Rey-ga iyaga oo garaacay kooxda Atletico Madrid.

Kooxda Atletico Madrid ayaa ahayd kooxda fiican iyaga oo Real Madrid ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayd xilli Ancelotti garan waayay waxa khaldan.

- Advertisement -

Atletico Madrid ayaa iska khasaarisay fursado waali ah oo ay ku doonaysay in ay ugu dhaliso goolal xilli ay Real Madrid dhibaatoonayso.

Daqiiqadii 19-aad ayay Atletico Madrid dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Alvaro Morata kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Atletico Madrid ayaan halkaas ku joogsan waxana ay samaysay fursado aan kala joogsi lahayn laakiin weeraryahanada Roji Blancos ayaa ku fashilmay in ay goolal u badalaan.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta iyada oo Atletico Madrid ku hogaaminayso ciyaarta 1/0 isla markaas Real siw eyn u dhibaatootay.

Qaybtii dambe ayay Real Madrid ahayd kooxda fiican iyaga oo maamulayay ciyaarta isla markaas si weyn uga fiicnaa kooxda Atletico kuwaas oo daafac galay.

Real Madrid ayaa samaysay wax walba sidii ay u dhalin alahyd goolka bar-baraha xilli ay Atletico Madrid si waali ah isaga khasaarisay fursado cajiib ah.

Real Madrid oo sanadihii ugu dambeeyay daqiiqadaha ugu dambeeya looga bartay in ay so laabasho sameeyaan ayaan ka niyad jabin ciyaarta.

Daqiiqadii 78-aad ayay Real Madrid heshay wixii ay u dadaalaysay waxana gool u dhaliyay xiddiga Rodrygo kaas oo ciyaarta ku soo celiyay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/1.

Wixii intaas ka dambeeyay Atletico Madrid ayaa difaac gashay xilli uu Ancelotti si joogto ah u soo galiyay xiddigaha weerarka si ay ciyaarta uga dhaliyaan goolal kale.

Waxa bar-baro 1/1 ah ku dhamataay ciyaarta 90-kii daqiiqo ee ciyaarta iyada oo labada kooxood isla aadeen 30 daqiiqo oo dheeri ah.

Atletico Madrid ayuu xaalku ku xumaaday kadib markii kaadhka cas looga taagay xiddiga Savic kadib mrkii bathroom taagay kaadhkii 2-aad ee digniinta ahaa.

Real Madrid ayaa sii waday dadaalada ay ku doonayso in ay ku dhaliso gool ay hogaanka ugu qabato ciyaarta xilli ay Atletico Madrid 11 xiddig ku difaacanayaan.

Daqiiqadii 104-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Karim Benzema kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 2/1.

Labada kooxood ayaa helay fursado badan oo ay ciyaarta ku dhalin karaan goolal kale laakiin midkoona uma suurtagalin in ay shabaqa soo taabtaan.

Daqiqiadii 120-aad ayay real Madrid dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Vinícius Júnior Kaas oo si qurux badan ugu dhaliyay kooxdiisa gool cajiib ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid iska xaadirisay Semi-final-ka Copa del Rey-ga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept