Guardiola Oo Magacaabay Laba Xiddig Oo Arsenal U Ciyaara Oo Uu Ka Seexan Kadib Guushii FA Cup-ka.

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa amaanay laba xiddig oo Arsenal u ciyaara kadib guushii ay Man City ka gaadhay Arsenal Kulan ka tirsanaa FA Cup-ka.

Man City ayaa guul 1/0 ah ka gaadhay kooxda Arsenal kulan ka dhacay Etihad kana tirsanaa wareega 32-ka tartanka FA Cup-ka.

- Advertisement -

Arteta ayaa sheegay in ay kooxdiisu khaati ka taagnayd xiddigaha Arsenal ee Gabriel Martinelli  iyo Martin Ødegaard intii uu socday kulankii FA Cup-ka.

“Si Fiican ayaan u ciyaarnay laakiin Martinelli waa hub halis ah”ayuu Guardiola yidhi.

“Kadib waxa soo galay Odegaard waxana ay u ciyaareen si fiican, runtii waa koox fiican, hadii kale ma joogeen halka ay haatan joogaan”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept