Girona Vs Barcelona : Reer Camp Nou Rikoor Guul La`aan Ah Ayay Ka Haystaan
Barcelona ayaa kulankaan galeysaa iyadoo rikoor fiican ka haysta kooxda Giroa
*Girona ayaan wax guul ah gaarin afartii kulan ee La Liga-ha ee ay la ciyaartay Barcelona hal bar bar dhac iyo sedex guul darro aay wataan
- Advertisement -
*Barcelona wax guuldaro ah lama kulmin 29-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay kooxaha reer Catalonia ee La Liga 21 badis iyo 8 bar bar dhac tan iyo guuldaradii 2-1 ay ka soo gaartay Espanyol garoonkooda bishii February 2009, waana rikoorkoodii ugu dheeraa ee aan laga badinin abid kulamadan oo kale.
*Barcelona ayaa badisay 44 dhibcood ka dib 17 kulan oo ay ka ciyaartay horyaalka La Liga xilli ciyaareedka 22/23 (14 badis laba bar bar dhac iyo hal guu darro.
Shaxda Barcelona laga yaabo in ay ku soo gasho
Ter Stegen; Kounde, Araujo, Christensen, Balde; Pedri, Busquets, F de Jong; Dembele, Fati, Gavi