Cristiano Ronaldo Oo Dusha Laga Saaray Eeda Guuldaradii Soo Gaadhay Kooxda Al-Nassr
Tababaraha Kooxda Al-Nassr ee Rudi Garcia ayaa aaminsan in fursadii uu khasaariyay Cristiano Ronaldo qaybtii hore ee ciyaarta ay ahayd sababta looga badiyay kooxda Al-Nassr.
Kooxda Cristiano Ronaldo ee Al-Nassr ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Al-Itxaad kulan ka tirsanaa tartanka Saudi Super Cup.
- Advertisement -
Ronaldo ayaa ciyaaray kulankiisii 2-aad ee kooxdiisa cusub kadib markii uu bilowgii suuqa january ku biiray kooxda.
“Mid ka mid ah wax yaabaha bedelay hab-socodka ciyaarta ayaa ah fursad uu khasaariyay Cristiano Ronaldo qeybtii hore ee ciyaarta”ayuu yidhi tababaraha Kooxda Al-Nassr.
Cristiano Ronaldo ayaan wali wax gool ah u dhalin kooxdiisa cusub kadib markii uu ciyaaray laba kulan oo Rasmi ah tartamada oo dhan.
Xiddigii hore ee Manchester United ayaa rajeynaya inuu goolkiisii ugu horreeyay u dhaliyo Al-Nassr Jimcaha soo socda marka ay la ciyaaraan Al-Fateh kulan ka tirsan Saudi Pro League.