Yaa Iska Celin Kara! Shaxda Cajiibka Ah Ee Ay Chelsea Ku Ciyaari Karto Kadib Markii Uu Xidhmay Suuqa January.
Kooxda chelsea ayaa wacdaro ka dhigtay suuqii January waxan ay samaysay saxiixyo waaweyn oo ay ku xoojiyeen kooxdeeda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
Blues ayaa haatan haysata shax cajiib ah oo ay ku dagaalami doonto qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
- Advertisement -
Graham Potter ayaa haatan wajahaya madax xanuun dhanka doorashada shaxdiisa ah marka ay kulamada ciyaarayaan kadib suuqii January.
Kooxda chelsea ayaa suuqii January la soo saxiixatay xiddigaha Fernandez, Mykhailo Mudryk, Benoit Badiashile, Joao Felix, Noni Madueke, Andrey Santos & David Datro Fofana.
Taageerayaasha chelsea ayaa haatan is waydiinaya sida ay noqon karto shaxda chelsea kadib markii uu xidhmay suuqa kala iibsiga january.
Hadaba wagrayska Metro ayaa soo saaray shaxda uu Potter ku ciyaari karo kadib markii uu xidhmay suuqa kala iibsiga January.