XOG: Arintan Ma La Macno Tahay In Ay Liverpool Go’aamin Karto Kooxda Ku Guulaysanaysa Premier League Xilli Ciyaareedkan.
Tartanka premier League ayaa meel xiiso leh maraya iyada oo kooxaha Arsenal iyo Man City ilaa haatan ugu cad-cad yihiin ku guulaysiga horyaalka premier League.
Arsenal ayaa haatan hogaaminaysa horyaalka waxana ay 2 dhibcood ka horaysaa kooxda Man City xilli ay sidoo kale gacanta ku haystaan hal kulan oo baaqi ah.
- Advertisement -
Labada kooxood ayaa la filayaa in ay isla aadaan maalinta ugu dambaysa tartanka premier League si ay ugu kala baxaan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Laakiin kooxda Liverpool ayaa door ka ciyaari karta kooxda ku guulaysan doonta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Ugu horayn Man City ayaa 1 bisha April la ciyaari doonta kooxda Liverpool kulan ka dhici doona Etihad Staduim todobaadka 29-aad ee horyaalka premier League.
Kadib Arsenal ayaa booqan doonta Liverpool kulan ka dhici doona Anfield 8 bisha April kulan ka tirsan todobaadka 30-aad ee horyaalka premier League.