Xiddiga Ugu Horeey Ee Uu Enzo Fernandes Ka Caydhin Doono Chelsea Oo La Ogaaday.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay aqbasho dalab 45 milyan uu u yimid xiddiga khadka dhexe ee kooxda Conor Gallagher kaas oo uga yimid kooxda Everton.

Ka dib markii la xaqiijiyay magacaabista Sean Dyche oo loo magacaabay tababaraha cusub ee Everton, Kooxda Toffees ayaa bilowday in ay xoojiso kooxda ka hor xidhitaanka suuqa January.

- Advertisement -

Kooxda Everton ayaa haysata lacag ay ku xoojiso kooxda kadib markii ay iibisay xiddiga Gordon oo ay ka iibiyeen Newcastle United.

Khadka dhexe ayaa ah boos ay Everton doonayso in ay iska xoojiso waxana ay xiddiga Gallagher u aragtaa xiddig caawin kara kooxda.

Sida laga soo xigtay saxafiga Fabrizio Romano, Everton ayaa dalab Rasmi ah oo dhan 40 milyan oo euro iyo 5 milyan oo Guno ah ka gudbisay saxiixa xiddiga 22 jirka ah.

Wargayska Evening Standard ayaa haatan sheegaya in ay chelsea diyaar u tahay in ay iibiso xiddiga Gallagher marka ay dhamaystirto saxiixa xiddiga Enzo Fernandez

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept