Xiddig U Ciyaara Chelsea Oo Dhaawac Looga Saaray Waajibaadka Xulkiisa.

Xidhiidhka kubada cagta France ayaa xaqiijiyay in daafaca kooxda chelsea ee  Wesley Fofana laga saaray Liiska xulka sabab la xidhiidha dhaawac soo gaadhay xiddiga.

Xiddiga Wesley Fofana ayaa ka mid ahaa Liiska xiddigaha xulka France uga qayb galaya kulamada is reeb-reebka koobka euro 2024.

- Advertisement -

Wesley Fofana ayaa laga saaray kulankii ay chelsea bar-baraha la gashay kooxda Everton kulan ka tirsanaa premier League iyada oo 22 jirku dhaawac uga baxay ciyaarta.

Graham Potter ayaa rajynayay in uuna dhaawaca Wesley Fofana ahayn mid halis ah isla markaas diyaar u noqon doono ka qayb qaadashada kulamada fasaxa xulalka.

Laakiin xidhiidhka France ayaa xaqiijiyay in uu xiddigu dhaawac dartiis uga baxay Liiska xulka ee ka qayb galaya is reeb-reebka koobka Euro 2022.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept