Xavi Oo La Xidhiidhay Xiddig U Ciyaara Barcelona Si Uu Ugu Qanciyo In Uu Ku Biiro Kooxda Xagaaga.

Tababaraha kooxda Barcelona ee Xavi ayaa lagu soo waramayaa in uu la xidhiidhay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee Ilkay Gundogan si uu ugala hadlo suurtogalnimada inuu si xor ah ugu biiro Camp Nou xagaaga.

32-sano jirkaan ayuu heshiiskiisa Man City dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana ay Barcelona u calaamadsatay xiddig ay doonayso in ay ku xoojiso khadka dhexe dhamaadka xilli ciyaareedkan.

- Advertisement -

Sida laga soo xigtay AS, Xavi ayaa haatanba la xidhiidha Gundogan si uu ugala hadlo ku biirista Barcelona xagaaga, isaga oo u balan qaaday xiddiga in uu ka qayb ahaan doono qorshihiisa xilli ciyaareedka dambe.

Ilo wareedyo ku dhaw wadahadalada ayaahaatanba sheegaya in ay labada dhinac qaateen wadahadalo horumar leh xiddiguna ku qancay qorshahah tababare Xavi

Xaqiiqada ah in uu Gundogan qaab xor ah ugu biiri doono kooxda ayaa soo jiidanaysa Barcelona marka la eego in ay kooxdu u baahantahay xiddigo khadka dhexe ah oo khibrad fiican leh.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept