Waali: Lacagta & Xiddigaha Ay Chelsea Ilaa Haatan La Soo Saxiixatay.
Kooxda chelsea ayaa wacdaro ka dhigtay suuqa January bishan iyaga oo suuqa galiyay lacag waali ah isla markaas sameeyay saxiixyo badan.
Blues ayaa ilaa haatan samaysay 8 saxiix oo cusub marka lagu daro xiddiga Enzo Fernandes oo ay qarka u saarantahay saxiixiisa.
- Advertisement -
Grhaam Potter iyo kooxdiisa ayaa shiday suuqa January ilaa haatan waxana ay si joogto ah u samaynayaan saxiixyo tan ilaa bilowgii suuqa January.
Xilli lagu jiro maalintii ugu dambaysay ee suuqa January, xiddiga Fernandes ayaa la filayaa in uu noqdo saxiixii ugu dambeeyay ee ay Blues samayso suuqa January.
Chelsea ayaa ilaa haatan suuqa kala soo saxiixatay 8 xiddig tan ilaa markii uu furmay suuqa January bilowgii bishan marka lagu daro Enzo Fernandes.