Waa Maxay Sababta Darwin Nunez Looga saaray xulka Uruguay?
Xiddiga kooxda Liverpool ee Darwin Nunez ayaa isaga baxay xulka qaranka Uruguay ka hor kulamada ay la ciyaari doonaan Japan iyo South Korea kadib markii uu dhaawac canqowga ah soo gaaray.
Reds ayaa Bartamihii todobaadkii hore ka hadhay tartanka champions League kadib markii ay guuldaro 1/0 ah kala kulantay kooxda Real Madrid kulan ka dhacay Spain.
- Advertisement -
Liverpool ma ciyaari doonto ilaa 1da April sababtoo ah ciyaaraha caalamiga ah. Dhawr ciyaartoy oo Reds ah ayaa la filayaa inay u ciyaaraan xulkooda qaranka labada toddobaad ee soo socda.
Nunez ayaa ka mid ahaa xiddigaha matali doona xulalkooda Laakiin xiddiga 23 jirka ah ayaa haatan seegi doonaa kulamada xulkiisa ee Japan iyo South Korea sabab la xidhiidha dhaawac.
Xulka Uruguay ayaa xaqiijiyay jimcihii in uu xiddiga Liverpool ka baxay Liiska xulka sabab la xidhiidha dhaawac uu qabo waxana lagu badalay Jonathan Rodriguez.
Darwin Nunez ayaa go’aansaday inuu isaga tago xulka dib markii uu dhaawac canqowga ah ka soo gaaray kulankii ay Liverpool bartamihii isbuuca la ciyaartay Real Madrid. Waxaa la sheegay in uu dhaawac ka gaaray canqowga intii ay socotay ciyaarta.
Related