Waa Kuma Xiddigii Arsenal Ee Ay Isku Dheceen Martin Odegaard Intii Ay Socotay Kulankii Man City.
Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal Albert Sambi Lokonga ayaa si toos ah uga baxay garoonka markii ay isku dheceen kabtanka kooxda ee Martin Odegaard intii lagu jiray kulankii FA Cup-ka ee ay guuldarada kala kulmeen Man City.
Xiddiga 23 jirka ah ayaa badal ku soo galay qaybtii dambe ee ciyaarta isaga oo badalay Thomas Partey kaas oo dhaawac ka soo gaadhay feedahay.
- Advertisement -
Albert Sambi Lokonga ayaa si joogto ah u luminayay xiddigaha uu ilaalinayay waxana uu marar badan sameeyay khalad ugu dambayn sababay goolkii ay Man City dhalisay.
Iyada oo daqiqado yar ka dhimanatahay dhamaadkii ciyaarta walina uu samaynayo khaldaad waxa uu hadal kulul kala kulmay kabtanka kooxda ee Odegaard.
Odegaard oo badal ku soo galay ciyaarta ayaa xiddiga ay isku kooxda yihiin u sheegay in uu joojiyo daba orodka xiddigaha Man City isla markaas ilaaliyo hal xiddig oo kaliya kaas oo ahaa Ilkay Gundogan.
Laakiin Albert Sambi Lokonga Ayaa mar walba xoriyad siinayay Gundogan waxana uu isla iloobayay in uu ilaaliyo xiddiga loo sheegay.
Isla markii ay ciyaartu dhamaatay xiddiga Albert Sambi Lokonga ayaa si toos ah uga baxay garoonka isaga oo xanaaqsan waxana uu si toos ah u aaday qolka Labiska.