Update: Kooxaha Ilaa Haatan Iska Xaadiriyay Wareega 8 Dhamaadka Champions League.
6-kooxood ayaa u soo baxay wareega 8 dhamaadka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.
Kooxda Benfica ayaa ahayd kooxda ugu hor gudubtay wareega 8 dhamaadka kadib markii ay 7/1 kaga badisay kooxda Club Brugee labadii lugood ee kulanka halka ay sidoo kale isku mar la soo baxday kooxda chelsea kuwaas oo garaacday Borussia Dortmund.
- Advertisement -
Kadib Bayern Munich ayaa 3-0 ku garaacday kooxda Paris Saint-Germain halka ay Ac Milan ka reebtay tartanka kooxda Tottenham una gudubtay wareega 8 dhaamaadka champions Legaue.
Man CIty ayaa xasuuqday kooxda RB Leipzig iskana xaadirisay wareega kadib markii ay 7/0 kaga kooxda reer Germany sidoo kale kooxda Inter Milan ayaa iska xaadirisay wareega xiga kadib markii ay 1/0 kaga badisay labadii kulan ee tartanka.
Waxa haatan la sugayaa laba kulan kuwaas oo dhici doona caawa iyada oo ay laba koox ka soo bixi doonaan una gudbi doonaan wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.
Halkan hoose kaga bogo Liiska kooxaha u gudbay wareega 8 dhamaadka
Benfica (Portugal)
Bayern Munich (Germany)
Man City (England)
Chelsea (England)
Inter Milan (Italy)
Ac Milan (Italy).
Related