United Vs Sevilla , Isk Aadka Wareegga 8-da Iyo Semi Finalka Europe League Oo La Shaaciyay
Isku-aadka wareegyada siddeedda iyo laba-dhamaadka tartanka Europa League ayaa la sameeyey, waxaana markii saddexaad oo xidhiidh ah ay Manchester United waajihi doontaa koox reer Spain ah iyadoo tababare Erik ten Hag uu noqonayo wadka kooxaha Spain.
Red Devils oo ah kooxda sida weyn loogu saadaalinayo tartankan ayaa waxay hore usoo reebtay Barcelona iyo Real Betis, haddana waxay isku dhaceen kooxda ugu guulaha badan tartanka Europa Leauge/UEFA Cup ee Sevilla.
- Advertisement -
Juventus ayaa af-libaax gashay, waxaanay ku beegantay kooxdii soo khaarajisay Arsenal ee Sporting Lisbon oo xalay rikoodheyaal kusoo garaacday Gunners, halka AS Roma ay waajahayso kooxdii xasuuqa geysatay xalay ee Feyenoord.
Kooxda tababare Xabi Alonso ee Bayer Leverkusen ayaa waxay kala calaf-qaadi doonan Unior Saint-Gilloise.
Related