Thomas Tuchel Oo Ku Laabanaya Koox Uu Horay U Hogaamiyay

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay ka fikirto inay dib ula midoobaan Thomas Tuchel mustaqbalka.

Kooxda Ligue 1 ka dhisan ayaa tababaraha reer Germany u magacawday xilka kooxda intii u dhexaysay 2018 ilaa 2020.

- Advertisement -

Ka hor inta uusan Tuchel tagin, waxa uu kooxda kula guulaystay horyaalka Ligue isla markaas geeyay final-ka tartanka Bayern Munich.

Tuchel ayaa kadib qabtay shaqada tababaranimo ee kooxda chelsea isgaa oo kooxda kula guulaystay Champions League sanadkii xigay.

Tuchel ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo markii milkiilayaasha cusub ee Chelsea ay qaateen go’aan aan la filayn oo ay ku ceyriyeen bishii Sebtembar, iyadoo lagu eedeeyay inay ku kala duwan yihiin siyaasadda suuqa kala iibsiga.

Sida laga soo xigtay RMC Sport, Tuchel ayaa laga yaabaa inuu ka soo muuqdo liiska PSG haddii Christophe Galtier ka tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept