Thierry Henry Oo Shaaca Ka Qaaday Sababtii Uu Romelu Lukaku Uga Digay In Uu Ku Biiro Chelsea.
Thierry Henry ayaa daaha ka qaaday inuu u sheegay Romelu Lukaku inuu ku dhibtoon doono inuu ka hoos ciyaaro Thomas Tuchel ka hor inta uusan 97.5 milyan ugu biirin Chelsea sanadkii 2021.
Halyeeyga Arsenal, oo Lukaku kala soo shaqeeyay xulka Belguim ayaa qirtay in uu weeraryahanka uga digay u dhaqaaqida galbeedka London maadaama ciyaaryahanku uu ku dhibtoon doono inuu ka ciyaaro qaab ciyaareedka Tuchel.
- Advertisement -
“Waan wada hadalnay markii uu Chelsea tagay, waxaana u sheegay inay ku adkaan doonto inuu ka ciyaaro Chelsea”ayuu Henry Yidhi.
Markii la weydiiyay sababta uu u aaminsanaa in uu Lukaku ku dhibaatoon doono ku laabashada chelsea ayuu ydihi”Sababtoo ah sida Tuchel uu u jecel yahay inuu u ciyaaro”.
“Tuchel waxa uu jecelyahay in uu u ciyaaro qaab cadaadis ah waxana uu weeraryahankiisa ka doonayaa in uu kubada jiito una ciyaaro sida xiddig garabka ka ciyaara”.
“Lukaku waxa uu jecelyahay in uu goolka hor joogo oo kaliya loo dhiibo kubada si uu gool u dhaliyo”ayuu sii raaciyay