Thibaut Courtois Oo Magacaabay Kooxda Uu Doonayo In Ay Real Madrid Ka Fogaato Wareega 8 Dhamaadka.

Goolhayaha kooxda Real Madrid ee Thibaut Courtois ayaa ka hadlay dookhiisa kooxda uu jeclaan lahaa inuu ku wajaho wareega 8 dhamaadka tartanka Champions League.

“Waxaan jeclaan lahaa in ay wax is badalaan, xilli ciyaareedkii hore waxa aan la ciyaarnay Man City iyo chelsea, aynu aragno kooxda aan ku aadno sanadkan”.

- Advertisement -

“Sannadkii hore waxaan cadeynay dabeecada aan ku leenahay kooxda, dib u soo laabashada, waxaan kasbaneynaa ixtiraam, waxaan muujineynaa in Real Madrid ay mar walba diyaar tahay”.

Ciyaartii sanadkii hore ee Champions League ee ay wada ciyaareen labadaan kooxood ayaa ahaa mid xamaasad leh, laakiin Real ayaa 5-4 kaga badisay Chelsea labadii lugood ee ciyaarta, ugu dambeyntiina ku guuleysatay tartanka.

Laakiin Thibaut Courtois ayaa u muuqda mid aan doonayn in ay kooxdiisu ku aado kooxdiisii hore ee chelsea kulanka 8 dhamaadka tartanka.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept