Tababaraha Brighton Oo Fariin Kale U Diray Arsenal Iyo Chelsea, Caicedo Ayay Ku Saabsantahay

Tababaraha Kooxda Brighton ee Roberto De Zerbi ayaa ka hadlay mustaqbalka Xiddiga Moisés Caicedo kaas oo lala xidhiidhinayo kooxaha Arsenal iyo Chelsea.

Xiddiga Moisés Caicedo ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxaha chelsea iyo Arsenal kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe.

- Advertisement -

“Caicedo waa nin wanaagsan, waan arki doonaa” ayuu yiri Roberto De Zerbi yidhi kadib kulankii ay 2/1 uga badiyeen Liverpool.

“Waxaan rajeyneynaa inuu nala joogo laakiin su’aashaan waxa ay u taalaa Kooxda iyo Moises, nolosha waxaad sameyn kartaa qaladaad”.

“Waxaan arki doonaa xalka ugu fiican kooxda, Caicedo iyo anaga.”

“Waxaan jeclaan lahaa inuu xilli ciyaareedka nagu dhameysto, laakiin waxaan diyaar u nahay inaan horay u socono la’aantiisa,” De Zerbi ayaa hadalkiisa raaciyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept