Shaxda Ugu Fiican Qaybta Hore Ee Horyaalka La Liga Oo La Soo Saaray.

Shabakadda caalamiga ah ee “HowScored” ayaa daabacday shaxdii ugu fiicnayd qaybtii hore ee xilli ciyaareedka horyaalka La Liga kaas oo si Rasmi ah loo soo afjaray.

Barcelona ayaa 5 dhibcood ku hogaaminaysa horyaalka La Liga kadib markii la soo afjaray ama la ciyaaray qaybtii hore ee xilli ciyaareedka.

- Advertisement -

Kooxda Barcelona ayaa badisay 15 kulan oo ka mid ah 18 kulan oo ay ciyaartay waana ay bar-baro gashay 2 kulan halka laga badiyay hal kulan oo kaliya isla markaas hal kulan baaqi u yahay.

Dhanka Real Madrid, waxa ay ku bilaabatay xilli ciyaareedka si habsami leh, waxaana ay gaareen guulo xiriir ah, laakiin waxay dib u gurteen wareegyadii ugu dambeeyay waxana ay gaadheen 13 guul halka laga badiyay 2 kulan 3 kalena bar-baro ayay galeen halka uu hal kulan baaqi u yahay.

Barca iyo Real Madrid ayaa min 6 xiddig ku leh shaxda ugu fiican qaybtii hore ee xilli ciyaareedka La Liga halka ay kooxda Atletico Madrid 2 xiddig ku leedahay.

Kooxaha Valencia, Real Betis iyo Cadiz ayaa dhinacooda shaxda ku leh min hal xiddig.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept