Saxiix Ay Barcelona Dhamaystirtay suuqii January Oo Bur-Buray, Sabab.
Kooxda Barcelona ayaa maalintii ugu dambaysay suuqii January dhamaystirtay saxiixa xiddiga Julián Araujo kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda ka ciyaarta horyaalka Maraykanka ee LA Galaxy.
Xiddiga 21 jirka ah ayaa ka ciyaara garabka daafaca Midig waxana ay doonaysay in ay kooxdu ku xoojiso kooxda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
- Advertisement -
Barcelona ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga maalintii ugu dambeeyay iyada oo heshiiska la dhamaystirtay 18 il bidhqsi kadib markii uu suuqu xidhmay.
Si kasta ha ahaatee heshiiska ayaa bur-buray maadama heshiiska la saxiixay markiii uu suuqu xidhmay.
Barcelona ayaa racfaan ka gudbisay FIFA Si loogu ogolaado in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga maadama wax walba laga heshiiyay daqiiqado yarna u baahnaayeen.
Laakiin FIFA ayaa diiday waxana ay Barcelona u sheegtay in ayna waxba iska badali doonin mustaqbalka xiddiga 21 jirka ah