Rudiger, Rashford, De Gea, Milinkovic-Savic, Alvarez, Felix & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala IIbsiga.
Inkasta oo uu xidhan yahay suuqa kala iibsigu hadana arintaas ayaan kooxaha ka hor istaagayn in ay qorshayso saxiixyada ay u dhaqaaqi doonto suuqa xagaaga.
Kooxaha kala duwan ayaa haatan lala xidhiidhinayaa xiddigaha ay u dhaqaaqi karto marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.
- Advertisement -
Hadaba waxa aan halkan ku so bandhigi doonaa si maalin leh wararkii ugu dambeeyay ee kooxaha iyo xiddigaha lala xidhiidhinayo ka hor suuqa Xagaaga.
Kooxda Tottenham ayaa doonaysa in ay xiddiga Antonio Rudiger dib ugu soo celiso premier League (Fijaches).
Man United ayaa diyaar u ah in ay 120 milyan ku iibiso xiddiga Marcus Rashford hadii ay ku qasbanaato in ay iibiso xagaaga (Star).
Man United ayaa diyaarinayda dalab ay ka gudbiso saxiixa Goolhayaha kooxda Leeds United ee Illan Meslier (Sun).
Kooxda Man City ayaa heshiis cusub ka saxiixanaysa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxdeeda ee Julian Alvarez (Mirror).
Kooxda Barcelona ayaa Atletico Madrid kala heshiisay saxiixa xiddiga Joao Felix laakiin heshiiska ayaa bur-buray sabab la xidhiidha xeerka dhaqaale wanaaga (Sun).
Kooxda West Ham ayaa u dhaqaaqaysa saxiixa xiddiga kooxda Lazio ee Sergej Milinkovic-Savic kaas oo ay u doonayso badalka Declan Rice (Sportsmole).
Kooxda Man City ayaa qorshaynaysa in ay West Ham u soo bandhigto xiddiga Kalvin Phillips si ay u helaan xiddiga Declan Rice (Sun).
Maamulka kooxda chelsea ayaa sheegay in ayna caydhin doonin tababare Graham Potter ikasta oo ay kooxdu ku jirto xaal xun (Sun).
Chelsea ayaa suuqa dhigtay xiddigaha Mason Mount, Pierre-Emerick Aubameyang, Hakim Ziyech, Conor Gallagher & Ruben Loftus-Cheek (Football Insider).
Kooxda Man United ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Roma uga ciyaara weerarka ee Tammy Abraham (Football Insider).