Ronald Araujo Oo Ka Hadlay Kulanka El Clasico Ee Axada
Mar kasta oo ay soo dhawaato kulanka El-Clasico ee u dhexeeya kooxaha Real Madrid iyo Barcelona mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa si weyn isha loogu hayaa tababaraha Blaugrana Xavi Hernandez iyo booska uu ka ciyaarsiin doono Ronald Araujo.
Laacibka reer Uruguay ayaa noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan ee Barcelona marka laga hadlo kulanka El Clasico iyada oo Xavi xiddiga ka ciyaarsiiyo daafaca Midig si uu u joojiyo Vinicius Junior.
- Advertisement -
Hadal uu Araujo u sheegay wargeyska Mundo Deportivo ayuu ku yidhi”Waan ku faraxsanahay inaan ka mid noqday El Clasico, mar walba waa kulan gaar ah”.
Kulanka El-Clasico ee u dhexeeya kooxaha Barcelona iyo Real Madrid, Axadda soo socota, waxa uu farqiga u kordhin doonaa 12 dhibcood haddii Blaugrana ay badiso, taasoo ka dhigan inay go’aamin karto horyaalka xilli ciyaareedkan.
Ronald Arojo ayaa yiri: “Ma dhihi karno kulanka ayaa go’aamin doona horyaalka Spain, laakiin waxaa hubaal ah inay tahay tallaabo muhim ah oo aan u qadi doono dhinaca horyaalka sababta oo ah 12 dhibcood ayaa noo dhexayn doona anaga iyo Real Madrid”.
“Clasico aniga ahaan waa sida kulan kasta oo kale, si gaar ah uguma diyaargaroobo, qof walba waa uu garanayaa muhiimada kulankaan, waana sugayaa waxaana ugu diyaargaroobey si dabiici ah”.
Isaga oo ka hadlaya booska uu ka ciyaari doono ayaa yidhi”Waxaan rajeynayaa inaan ka ciyaaro booska daafaca midig, waxaan isku dayi doonaa inaan wax walba u sameeyo si aan u caawiyo kooxda”.
Related